Wararka

Madaxweynaha oo kulan la qaatay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Q.M.

Madaxweynaha dowla Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Atul Khare.

Madaxweynaha ayaa  U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Atul Khare ka hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Atul Khare kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud u soo jeediyay in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn  U Qeybsanaha kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan.

Dhankiisa, U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran waxaa uuna ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting, suit and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close