Wararka
MADAXWEYNAHA OO DAAH FURAY SHIRWEYNAHA SADDEXAAD EE DEEGAANKA IYO ISBEDELKA CIMILADA PUNTLAND.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirweynaha saddexaad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey Shirka isagoo rajeeyay in maalmaha uu socdo ay kasoo baxaan tallooyin wanaagsan, oo ka qeyb qaata badaadinta deegaanka.
Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay shirka in maamulkiisa ciidamada uu dhisay ay door muhim ka qaadan doonaan in sharciga la mariyo dadka dhirta jara iyo kuwa dhulka qabsada iyagoo ganacsi ka raadinaya.