Wararka
Madaxweynaha oo amray Golaha XFS in ay Guddi deg deg ah u saran Robobka ka da’ay magaalada Qardho.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadka ay soo gaartay dhibaatada xooggan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalka ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda adagtahay.
“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.” Ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran oo deg-deg ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho.
Madaxweynaha dowlada federaalka ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku waxyeelowday.