Wararka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Inay Ka Codsanayaan Ruushka Inuu Kala baxo ciidamada u jooga Dalka Venezuela.

Ruushka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay u diray dalka Venezuela labo diyaaradood oo siday ciidamo gaaraya 100 askari, kuwaasi oo ay ku jiraan ciidamada komandooska iyo waliba kuwa ku takhasusay dhinaca cilmiga isgaarsiinta internetka.

Dalka Venezuela oo ay cadaadis xoogleh ku hayaan Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku jiray koronto la’aan iyadoo la tuhunsan yahay in Maraykanka uu weerar dhinaca internetka ku qaaday xarumaha Tamarta ee dalkaasi.

Dowlada Ruushka  ayaa sidoo kale lagu wadaa inay mucaawino isugu jira raashin iyo daawo u dirto Venezuela, waana markii labaad oo ay mucaawino noocaan ah u dirayaan xukuumada Venezuela ee Madaxweyne Nicolas Maduro.

Qorshaha Maraykanka ayaa ah in lagu cadaadiyo Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro inuu xilka isaga dego, isla markaana awooda la wareego Guddoomiyaha Baarlamaanka  Juan Guaido oo bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweyne KMG ah, Mr. Guaido ayaa ah siyaasi wax kusoo bartay Maraykanka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close