Wararka
Madaxweynaha mamulka Puntland Saciid Cabdullahai Deni ayaa Garowe ka furay keydka haamaha shidaalka oo ay magaaladaasi yeelatay.

Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada garoomadda Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in dadka reer Garowe ay aad ugu baahnayeen keydka haamaha shidaalka isaga oo intaasi ku daray in qataraha ay yaraan donta.
Wasiirka ayaa shegay in garoonka diyaaraha magaaladda Garowe mar dhow ay diyaaraha kasoo dagi donaan laguna shaqeyn doono isaga oo ku tilmaamay in ay garoomada yihiin dakadii labaad.
Madaxweynaha Puntland ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in Puntland ay yeelato keyd haamo shidaal oo aysan horey ulaheyn.
madaxwaynaha ayaa shegay in aay wax kaqaban donaan cabashada ka imanayso diyaradaha qaybtooda.