Wararka
Madaxweynaha mamul-gobaleedka K/Galbeed oo maanta gaaray degmada Diin-soor

Wafdigan uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay oo siweyn loogu soo dhaweeyey.
Waxaa madaxweynaha iyo wafdiga soo dhaweeyay maamulka degmada Diinsoor, shacabka, mas’uuliyiin iyo saraakiil halkaasi ku sugan.
Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmadaasi ayaa waxa ku wehlinayay xubno ka tirsan maamulkiisa,waxaana inta uu ku sugan yahy halkaasi uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Degmada Diinsoor iyo Waxgaradka.
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.