Wararka

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland oo kulan la qaatay wafuud ka socotay dalka Shiinaha.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “Forum on China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku tagay Magaalada Hargayso.

Ugu Horayn Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga warbixin guud ka Somaliland ee ay iska kaashadeen shacbigeeda iyo dawladdu, iyo arrimo kale oo ku saabsan dhanka dhaqaalaha.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee dhinacyada ganacsiga, iyo iskaashiga bulshada ee ay labada dhinac lahaayeen mudada dheer.

Ugu dambayntiina waxa la isku af-gartay in labada gees yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Madaxweynaha Somaliland oo Magalada Hargaysa ku Qaabilay Wafdi ka socda dalka Shiinaha

Madaxweynaha Somaliland oo Magalada Hargaysa ku Qaabilay Wafdi ka socda dalka Shiinaha Ayaan Yuusuf Faarax

Posted by TUSMO TV on Friday, 7 August 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close