Wararka
Madaxweynaha kgs iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta lagu soo dhoweyey magalada Dhuusa mareeb.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta gaarey magalada dhuusa mareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug si uu uga qeyb galo wajiga sedaxaad ee shirka udhaxeeya madaxada dowlada fadaraalka soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne cabiasiis Xasan Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Shirka Wajiga Seddexaad ee u dhaxeeyo Dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe ayaa lagu waday in manta oo ay ku begantahay 15-ka Aguest ka qabsooma Dhuusa-mareeb balse Caqabada farsamo aawadood u baaqday.
Madaxweynahayaasha Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka maqan dalka xili madaxda kale ee qaarna tageen Galmudug qaarka kalena ku howlan yihiin Safar.
Inta uu socda Shirka wajiga seddexaad ee Dhuusa-mareeb waxa ay madaxda ku gorfeyn doonaan arrimaha la xariiro Siyaasada cakiran ee ka dhaxayso dowla dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo doorashooyinka lagu wada in ay dalka ka qabsoonta bilawda sanada 2021-ka.
Madaxweynaha kgs iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta lagu soo dhoweyey magalada dhuusa mareeb
Madaxweynaha kgs iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta lagu soo dhoweyey magalada dhuusa mareeb Mohamed Ibrahim Salat Duhul
Posted by TUSMO TV on Saturday, 15 August 2020