Wararka

Madaxweynaha Jumhuuriyada fedaraalka Soomaaliya oo maanta ka qaybgalay Barmaajika Is-xilqaan.

Madaxweynaha Jumhuuriyada fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tagay maktabadda iyo madxafka Qaranka waxaa uuna halkaas kala qayb galay Barmaajika Is-xilqaan oo dib loogu dhisayo dalka waxaana ka soo qaybgalay dad u badnaa dhalinyaro.

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay qeybaha kaladuwan ee Bulshada Soomaaliyeed inay awooddooda isugu geeyaan ka qeybgalka Barmaajika Is-xilqaan oo dalka dib loogu dhisayo.

Isku dubaha shaqada barnaamijka is-xilqaan Maryan Aadan Amiin ayaa sheegatay in barnaamijkaan inta badan lagu dhisaayay wajiga koowaad ee is-xilqaan uu hadda ku dhawyahay gaba-gaba.

madaxwayne Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada oo ka qayb qaatay dib-u dhiska Madxafka iyo Maktabada qaranka waxaa uuna u rajeeyay in goobahaan ay noqon doonaan meel ay dhalinyarada Soomaaliyeed wax ku aqristaan oo ay ku nastaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close