Wararka
Madaxweynaha Jubbaland oo maanta si rasmi ah u daah furay Bandhig carweedka buugagta Kismayo ee sanadka 2019-ka.
Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta Ku meel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland si rasmi ah ugu furmay carwo bandhiigeedka Bugaagta sanadka 2019-ka waxaana furay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam (Ahmed Madoobe).
Madaxweyne Ahmed Madoobe ayaa u mahadcelinayaa madasha Maan-kulan oo sanadkii Saddexaad hirgalisay in ay qabato bandhig carweedka Kismaayo sidoo kale waxaa uu booriyay oo uu dhiira galiyay dhallinyarada kasoo qayb gashay madasha iyo qoraayaasha Soomaaliyeed ee Soo bandhigay buugta ay qoreen.
hoolka Daawad ee magaalada Kismayo ayaa lagu qabtay carwo bandhiigeedka Bugaagta waxaana sanadkaan 2019-ka kasoo qayb galay marti sharaf aad u tiro badan, masuuliyiin iyo qoraayaal Soomaaliyeed.
Inta ay socota bandhiga Buugagta waxaa jirtay dood cilmiyeed looga doodayay Cinwaanka Tayeynta Hal abuurka oo ah hal ku dhigga sanadkaan ee bandhigga.
Dood-cilmiyeedkaas waxaa ka qayb ahaa Dr Maxamed Daahir Afrax oo ah guddoomiyaha Akadeemiya goboleedka Afka Soomaaliga ee (AGA), Sahra Kooshin oo ah xubin u dhaqdhaaqda xuquuqda aadanaha gaar ahaan Dumarka, Axmed Xassan oo ah Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Jubbaland iyo Adan Ibraahim Aw Xirsi Wasiirka Qorsheynta Jubbaland waxaana doodaas daadihinaayay Maxamed Xassan Cirro oo kamid ah qalinleyda Soomaaliyeed.