Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya Benfender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa laga wadada hadley xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay DFS ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale safiirka la wadaagay xaaladaha siyaasadeed ee dhawaan kasoo cusboonaaday Gobolka Gedo kadib markii ay ciidama Hoos yimaado dowlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo ka mid noqday ciidamada Xoogga dalka.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, suit and indoorImage may contain: 1 person, standing and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close