Wararka
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta kulan isla Xisaabtan la qaatay Wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Jubbaland.
Wasaarada ayaa soo bandhigtay waxyaabahii u qabsoomay Sanadkii lasoo dhaafay waxaana masuuliyiinta wasaaradda ay sheegeen in wasaaraddu ay dejisey istiraatiijiyada wacyigelinta Bulshada Jubbaland si gaar ahna La dagaalanka fikirka waxa loogu yeero xagjirnimada.
Masuuliyiin wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in ay kor u qaadeen Tayeynta iyo ballaarinta Idaacada codka Dowlad goboleedka Jubbaland oo xarumeheeda laga hirgaliyey degmooyinka Afmadow iyo Baardheere.
Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay Qorshaheeda sanadlka 2020-ka waxaa ayna sheegtay in ay dar-dargalin doonta Qorshaha Hay’adaha isgaarsiinta Jubbaland iyo in la gaarsiiyo dhamaan deegaanada Jubbaland internet xawaare Sare leh si loo daboolo baahiyaha dhinaca Internetka.