Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Ahmed Madoobe ayaa maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Donald Yukio Yamomoto.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland iyo arrima kale oo dhowr ah.

Sidookale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo in howlgal loo dhanyahey la qaado kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan DFS, Dowlad goboleedyada, Amisom iyo ciidamada mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Maraykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan.
Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka ugu mahadceliyey Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) taas oo tiro mashaariic ah ka fulisey deegaanada ay hoos taga maamulka Jubbaland.Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, suit and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close