Wararka
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay laamaha kala duwan ee dakhli uruurinta Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta kulan isla Xisaabtan ah la yeeshay laamaha kala duwan ee dakhli uruurinta Jubbaland si loo hubiyo shaqada ay hayaan isla markana looga wada hadlo qorshayaasha Sanadka soo socda lagu kobcinayo nidaamka Maaliyada Jubbaland.
Wasaarada Maaliyada Jubbaland, Maamulka garoonka diyaaradaha iyo Dekeda, Maamulka Degmada Kismaayo iyo Maamulka Hay’ada dhul bixinta ayaa ka qaybgalay kulankan isla xisaabtanka ah waxaana goob joog ka ahaa Hanti dhowraha guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wasaarada Maaliyada maamulka Jubbaland ayaa ugu horeyn soo gudbisay hanaanka maaliyada Jubbaland iyo qaababkii uu u korayay Sadexdii sano ee lasoo dhaafay iyadoo caqabado ay jireen hadana wax badan oo wanaagsan la qabtay inkastoo maamulka ay intaasi ku dareen in loo baahan yahay in dib u habayn lagu sameeyo hanaanka Maaliyada Jubbaland.
Sidoo kale qaybaha kale ee ka qaybgalay kulankan ayaa soo bandhigay caqabadaha jira iyo sidii xal loogu heli lahaa iyadoo waxyaabaha aad diirada loogu saaray ay kamid ahayd sidii dib loogu habayn lahaa heshiisyada ay Dowladu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlgala qaar kamid ah ilaha dhaqaalaha Dowlada iyo sidii isla Xisaabtankan loogu samayn lahaa meelaha ay habacsanaantu ka jirto.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanaanka Maaliyada Jubbaland loo baahan yahay inuu noqdo mid aamin ah oo ka madaxbanaan musuq si taas loo Helena loo baahan yahay isla Xisaabtan joogto ah iyo in sharciga maaliyada loo maro dhamaan shaqooyinka la xiriira arimaha dakhliga.