Wararka
Madaxweynaha Jubbaland oo Kismayo dib ugu laabtay isagoo ka warbixiyay safarkii uu ku maqnaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu laabtey Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland kadib safar uu muddo 20 cisho ah ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee casimada dalka.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa markii uu soo gaaray Garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, labada gole ee Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada
Madaxweynaha Jubbaland ee doorashadiisa ay ka taagantahay muranka badan ayaa markii uu soo gaaray garoonka waxaa uu la hadlay warbaahinta waxaa uuna ka warbixiyay safarkii uu ku tagay dalka Kenya isagoo dhanka kale sheegay in dalka ay ka qabsoomi karto doorasha lagu heshiiyay ayna marnaba suurta gal aheen waxa uu ugu yeeray “anigaa Iri”.
” Waxaa laga hadlayaa Doorashada 2020 iyo dariiqa ay noqoneyso, hishiis siyaasadeed baa lagu gaari karaa Doorasho iyo meesha la aadayo, lkn waan soo dhaafnay anaa iri waqtigii la oran jiray. ” ayuu yiri Madaxweyne Ahmed Islam.