Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo garay Garoowe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland iyadoo Madaxweynahu uu ka qaybgalayo Kulanka Madasha Aragti wadaaga ee The Heritage Institute for Policy Studies.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani iyo Masuuliyiin kale.

Magaalada Garowe waxaa horay u sii joogay Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xubno katirsan Midowga Musharraxiinta madaxwaynimo ee Soomaaliya, xildhibaanno isugu jira heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed, siyaasiyiin iyo xubno katirsan ururada bulshada oo ka qeybgali doona shir kaas oo muddo saddex maalin ah ka socon doona Magaalada Garoowe.

Madashaan ayaa waxaa ay mideynaysaa dad aragti ahaan ku kale duwan siyaasadda Soomaaliya waxaana la wada sugayaa natiijada ka so baxdo dood wagaas.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close