Wararka
Madaxweynaha Jubbaland oo edeyn kulul u soo jeediyay dowlada federaalka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ka qayb galaayo madasha aragti wadaaga ee macadka Heritage ayaa sheegay inay ayna waxba ka fulin heshiiskii amniga Qaranka iyo dhismaha ciidamada Xooga dalka isla markana Dowladu ayna bixinin taakuladii amni ee ay xaqa u lahayeen Ciidamada Darawiishta Dowladaha Xubnaha ka ah dowlada federalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay si fudud ku helaan hubka iyo agabka kale ee Dowlada Federaalka ah ay lahayd halka aysan helin Ciidamada Dowlad Goboleedyda.