Wararka
Madaxweynaha Jubbaland oo boqolaal dadweyne ah kala qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kusii sagootiyay dhaawacyo loo qaaday Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho si xaaladooda Caafimaad loola tacaalo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale boqolaal dadweyne ah kala qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee dadkii ku dhintay weerarkii shalay galab lagu qaaday Hotel madina ee Magaalada Kismaayo.
Sida uu sheegay madaxweynaha Jubbaland raga weerarka soo qaaday ayaa ahaa afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.