Wararka

MADAXWEYNAHA DALKA OO KA QEYB GALAYA SHIR MADAXEEDKA URUR GOBOLEEDKA IGAD.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Hoggaamiyeyaasha IGAD  ayaa sidoo kale iska xog-wareysanaayo qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweynahaa dowlada federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka.

Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close