Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shacabka magaalada  Garoowe salaaddii Jimcaha kula tukadey Masaajidka Shuhadaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii lixaad magaalada Garoowe u jooga Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ayaa shacabka magaalada  Garoowe salaaddii Jimcaha kula tukadey Masaajidka Shuhadaa ee ku yaalla magaaladaas.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Puntland Jubaland, Koonfurgalbeed iyo Mas’uuliyiin kale ayaa iyaguna ka mid ahaa mas’uuliyiinta maanta salaada jimacaha masaajidka shuhudaa kula tukaday shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweyne Maxamed C/,llaahi Farmaajo ayaan wax hadal ah u jeedin shacabka uu kula tukaday masaajidka shuhudaa.

Madaxda faderaalka iyo iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maalintii 6-aad ku sugan garoowe iyaga oo ka hadlay arrimaha masiiriga.

Waxaa aad u adag in la helo qodobada ilaa haatan soo gaarsiiyay shirka in uu qaato muddo 6-cisho ah mana jirto xilli rasmi ah oo la ogyahay in la soo gabagabeynayo shirka wadatashiga ee u dhexeeya dowlada faderaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.Image may contain: 2 people, people sitting, crowd and indoorImage may contain: 2 people, indoorImage may contain: cloud, sky and outdoorImage may contain: 1 person, sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close