Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lakulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan layeeshay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan kulankaas oo kadhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim ayaa shegay in uu ka xunyahay in Soomaaliya ay wali kusii jirto dhibaato, isagoo Siyaasiinta Soomaaliyeed ka codsaday in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa sidookale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan dowladooda.

Kulanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa noqonaayo kii labaad ee ay yeeshan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close