Wararka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha cusub ee Boqortooyada Baxrayn iyo Dowladda Burundi ay usoo magacaabeen Soomaaliya.
Safiiradaan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Juma Axmed Al Kaabi iyo Remy Barampama, Madaxweynaha ayaana kulan kula yeeshay xafiiskiisa waxayna kawada hadleen arrimo dhowr ah.
waxaa Dowlada Burundi Soomaaliya ka jooga Ciidamo farabadan kuwaas oo oo ka tirsan cidamada nabad sugida ee AMISOM oo ka howlgalla qaar kamida gobolada dalka halka.
Dhanka kale Boqortooyada Baxrayn ayaa ayna kamid ah Dowladaha Carbeed oo hadda xiriir wanagsan lasoo yeelanaayo dowlada Soomaaliya tan iyo burburkii dalka.
10-ka bishan aynu ku guda jirno ee April ayey aheyd ka dib markii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu warqadaha aqoonsiga danjirnimo ka gudoomay danjirayaasha dalalka Seerbiya iyo Kuuriyadda Koonfureed ay u soo magacaabeen Soomaaliya.