Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culimada Soomaaliyeed.

Shirweynahan oo socon muddo 3-maalmooda ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Faderaalka Soomaliya iyo majmaca culimadda Soomaaliyeed waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, qaar ka mida golaha wasiiirada, duqa muqdisho, Culimau diin iyo masuuliyiin  ka socotay dowlad goboleedyada.

Shirka ayaa inta badan diirada lagu saari doonaa doorka ay culimada ku leeyihiin dib u heshiisiinta iyo amniga, waxaana guud ahaan culimada iyo masuuliyiinta shirka ka hadlay ay sheegeen in loo baahn yahay in si wadajir ah looga qeyb qaato dib u heshiisiinta iyo amniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shirka furay ayaa soo hadal qaaday caqabadah heysta dowlada faderaalka waxaana uu culumada ka codsaday in ay la shaqeeyaan dowlada Faderaalka Soomaaliya.

“Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaalanno xagjirnimada oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna.”

Shirweynahan ayaa ka duwan shirarka hore ee ay culimada isugu imaan jireen waxaana shirkan uu sanadkan qaatay cinwaanada dib u heshiisiinta, amniga iyo ka hortaga fikirka xadjirka.Image may contain: 2 peopleImage may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, beardImage may contain: one or more peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and beard

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close