Wararka
Madaxweynaha Indonesia oo Baarlamanka dalkaasi Hordhigay qorshaha caasimada Jakarta looga badalaayo.
Madaxweynaha dalka Indonesia Joko Widodo ayaa si rasmi ah Baarlamaanka dalkaasi ugu gudbiyay Qorshe caasimada dalkasi looga dhigaayo Magaalada Kalimantan oo ku taalo Jaziiradda Borneo oo ah goob ay dadku ku badan yihiin.
Madaxweyne Joko Widodo ayaa qorshahaasi shaaciyay xili uu khudbaddiisa sanadlaha ah ka hor jeediyaayay Baarlamaanka dalka Indonesia maalin u’n ka hor sanad-guuradii 74-aad ee dalkaasi uu xuriyadda qaatay.
Codsiga madaxweyne Joko Widodo ayaa kusoo aadaayo xili lagu wado in xilka loo dhaariyo markiisi labaad bisha October kadib guushii uu kasoo hooyay doorashadii dhacday Bishii April ee tagtay.