Wararka
Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay Madaxda Safaarada Talyaaniga ee Soomaaliga.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay Madaxda Safaarada Talyaaniga ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii ay safaaraxa gacan ugu gaysan laheed wax kaqabashada daadadka iyo fatahaadaha ka dhacay deeganada maamulkaasi.
Madaxweyne Waare oo kulanka kadib bartiisa Twitter ka ku soo qoray waxyaabihii looga hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in madaxda Safaarada talyaaniga ee Soomaaliya ay la wadaageen in ugu danbeyn ay safaarada xaqiijisay Lacag dhan 6million oo dollar ka maraykanka taas oo wax looga qaban doona ka hor taga daadadka.
Ku xigeenka Safiirka talyaaniga u joogga Soomaaliya Fabio Massimo ayaa dhankiisa soo dhaweeyay kulanka isaga iyo madaxweynaha Hirshabelle Dhexmaray waxaa uuna sheegay in Dowlada Talyaaniga ay markasto garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.