Wararka
Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay weerarkii lagu dilay Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Sh/dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan Iyo wil uu dhalay ayaa lagu dilay gurigooda oo ku yaallo Magaalada Jowhar kadib weerar loo adegsaday banbaano oo lagu qaaday guriga.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay weerarka waxaa uuna tacsi udiray dhammaan shacabiga Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh/dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana Eebbe uu uga baryay inuu jannatul fardowsa ka waraabiyo.
Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa hey’adaha Ammaanka faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal, sharcigana la hor keeno dadkii ka dambeeyay dilka marxuumka.
Ugu dambayn Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabeelle kula dardaarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, halmeelna uga soo wada jeestaan dadka lidka ku ah midnimada Soomaaliyeed, islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumanaysa.