Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo soo jeediyay in lagu dhaqmo Heshiiskii doorashada ee Muqdisho Lagu garay.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo habka Foggaan aragga Ee Zoom-ka uga qaybgalay Shirkii 5aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa ka jeediyey khubad muhiim ah oo khuseysa dhinacyada; Dib-u-heshiisiinta, Doorashada & Amniga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Madashani muhiimad gaar ah u leedahay ummadda Soomaaliyeed isagoona ku booriyey dhamaan masuuliyiinta iney labanlaabaan dadaalka loogu jiro xoojinta midnimada, wadajirka, isku tashiga, isku tanaasulka umadda soomaaliyeed, si loo ilaaliyo mustaqbalka jiilka soo socda, dhidibadana loogu aaso dowlad waarta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug qaadanayso door shariif ah, si loo yareeyo culeysaadka iyo xumadaha ay leedahay doorashadu.

“Galmudug waxa ka go’an taabagelinta iyo hirgelinta heshiisyadii Dhuusamareeb (1,2.3) iyo dhameystirka heshiiska oo lagu qabtey magaalada Muqdisho. Waxaan aaminsanahay in natiijada siyaasad xasiloon ay ka dhalan karto, bulsho midaaysan, walaalo ah, gacmaha is heysto oo kuna dhaqma sharci iyo dastuur dameystiran” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close