Wararka
Madaxweynaha Galmudug oo booqday deegaanada Wargalo iyo Gal-barwaqo.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa booqasho kooban ku tagay deegaanada Wargalo iyo Gal-barwaqo oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Booqashadan oo qeyb ka ah safarka loogu magac daray nabadda ee uu Madaxweynuhu ku marayay deegaanada Galmudug ayuu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyeey deegaanada Wargalo iyo Gal-barwaaqo.
Dhinaca kale Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha amni,caafimaad iyo waxbarasho ayaa waxa uu dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo Hospital iyo Dugsi Waxbarasho ee uu yeelanayo deegaanka Gal-barwaa.