Wararka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti baaldhan oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Deegaanka Waaciye ee Gobolka KarKaar.

Madaxweynaha oo saaka ka kici timay gegmada Qardho ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyay  Deegaanka Waaciye, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey maamulka degmada kan gobolka, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntlaland iyo boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Waaciye, waxaa uu Madaxweynuhu ka mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa ee shacabka Waaciye.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tilmamaay in cadawga dadka rayid ka ah dhibaataynaaya ay sabab u yihiin cadho Alle oo sababi karta abaarta baahsan ee dadkeenu la tabaalaysan yihiin.

Madaxweynaha ayaa fariin adag u diray shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso, waxaana uu ku booriyey inay ka dhiidhiyaan haldoorkooda maalin walba ay dhibaataynayaan Rag Uu KU sheegay Inay Yihiin Qaswadayaaal, iyagoo isku duubanna ay dowladdooda la shaqeeyaan.

Intaaa Ka Dib  Madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray cisbitaalka weyn ee degmada WaaciyeWuxuuna maamulka Cisbitaalka  ku booriyey shaqada wanaagsan ee ay u hayaan Bulshada, isla’markaana u balan qaaday in baahiyaha cisbitaalka si dhow wax looga qabandoono.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close