Wararka

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle oo kulan la qaatay la taliye sare dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD  ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay la taliye sare dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD  ee Soomaaliya, badda cas iyo Badweynta Hindiya Cabdikariim Maxamed Daahiye oo soo gaaray xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Jowhar.

Madaxweynaha iyo la taliyaha ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin  lahaa xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa ka hadlay xaalada abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle iyo sidii loo caawin lahaa dadka saameynta ay ku yeelato abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta, waxaana dhinaca kale uu dul istaagay muhiimada ay u leedahay Hirshabeelle in lagala shaqeeyo arrimaha amniga, islamarkaana la xoojiyo doorka Ciidamada AMISOM ee xaqiijinta amniga.

La Taliye Sare Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Cabdikariim Maxamed Daahiye ayaa sheegay in IGAD mar walbo ay diyaar u tahay in Hirshabeelle ay kala shaqeeyso Horumarinta, iyo dhisida hey’adaha Dowladda, iyo sidoo kale arrimaha bini’aadanimada sidii looga gacan siin lahaa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close