Wararka
Madaxweynaha Dowlada Soomaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Belgium Charles Michel.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajoo ayaa Shir-doceed magaalada New York ee Dalka Maraykanka kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Belgium Charles Michel.
Kulanka labada masuul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, kaalinta Belgium ee dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub u sii dardargelin lahaa taageerada uu ku bixiyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabddulahi Farmaajo ayaa Magaalada New York ee Dalka Maraykanka kaga qayb galaayo shirka meertada 74-aad ee madaxda caalamka sanadkasto yeshaan.