Wararka

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo u ambabaxaya magaalada Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxaya magaalada Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo uu ugu qayb-gali doona  Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC).

Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu qabanaayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa waxaa lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan iyadoo lagu wada in lagu gorfeeya la dagaallanka fikiradaha gurracan, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo dadka dalalka Carbeed.

Wafdiga Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ee maanta u waxaa u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close