Wararka
Madaxweynaha dowlada Puntland oo shir la yeeshay Wariyayaasha Gobolka Mudug.
Madxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay weriyayaasha gobolka Mudug, gaar ahaan wariyayaasha ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo.
Kullanka madaxweynaha waxaa kuwehlinaayay ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Afhayeenka Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Kullanka uu madaxweynaha la yeeshay weriyayaasha ayuu kaga hadlay mihnadda warbaahinta isagoo u beyaamiyey dhallinyarada qaabka ugu sahlan oo ay uga qayb qaadan karaan horumarinta dalka dhanwalba.
Madaxweynaha ayaa Sidoo kale xusay in warbaahintu tahay tiir kamid ah tiirarka dhisa dalkooda, dhan amni, dhan siyaasadda, dhan bilic iyo inay qayb ka noqdaan sidii looga gudbilahaa xaaladda uu hadda dalku ku jiro.
Aniisa Cabdalla Axmed oo kamid ahayd weriyayaashii Madaxweynuhu la kulmay ayaa ka war-bixisay waxyaalihii ay kawada hadleen weriyayaasha iyo madaxweynaha.
“Madaxweynuhu kulan dheer uu la qaatay wariyaasha waxaa uu kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan danaha dalkooda oo ay qayb ka noqdaan horumarka kala duwan ee ka socda Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug” Ayay tiri Aniisa Cabdalla Axmed.