Wararka
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada.
Munaasabad uu madaxweynuhu ku saxiixaayay heshiiska Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada waxaana goob jog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).
Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadka nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.