Wararka
Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed oo lakulmay Wakiilka Hay”ada TIKA ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa Kullan la qaatey Wakiilka Hay”ada TIKA ee dalka Turkiga.
kullanka aya waxaa ka soo qeyb galey wasiirada Qorsheenta wasiirka Waxbarashada Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Kullanka ayaa waxaa looga Hadley sidii hay’adda Tika masharicyo kala Duwan ugu Fulin laheed deeganada Kgs sida waxbarsahda Caafimaadka Iyo dib udhiska Deeganada kg Si ay uga qeyb qataan Horumarka Deeganada Dowlad Gobolledka .
Ugu Danbeentii Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u Mahadceliyey Madaxda Hay’adda Tika sida Mar waliba ay ugarab taaginyihiin Dowlada iyo shacabka maamulka Koonfur Galbeed.