Wararka
Madaxweynaha dowlad goboleedka puntland oo soo xiray shirka jiheynta siyaasadda puntland.

Shirkan oo 3-maalmood ka socday garoowe ayaa maanta waaxaa soo xiray madaxweynaha dowlad goboleedka puntland Saciid C/llaahi Deni kaas oo looga hadlewyay jiheynta siyaasadda puntland.
Shirka waxaa qoobjoog ka ah Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland.
Wasaaradda Qoshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa soo qaban qaabisay shirka, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah.
madaxweynaha puntland oo Saciid C/llaahi Deni oo hadal kooban ka jeediyay xiritaanka shirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga dhabeeyo waxyaabaha ka soo baxa shirkan.
Hoos ka akhriso War-murtiyeedka Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland.