Wararka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo Shir Guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada garowe ee caasimada dowlad Goboleedka Puntland ku qabtay shirka Amniga Puntland  waxaana kulanka Goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Sidoo kale kulanka waxaa kasoo qayb galay shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

Kullanka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray dardargelin hawlgalada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhegaystay Masuuliyiinta laamaha amniga warbixin la xiriirta Amniga iyo howlaha dardargelinta amniga ee ay hada-wadaan Ciidamadu, Waxaana ay sheegeen in xaaladda amni ee dhammaan degaanada Puntland ay wanaagsantahay.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa faray Saraakiisha Ciidamada, iyo Masuuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer Gobol adkeynta Amniga Guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro Todobaadka Puntland iyo dabaaldegyada 1-da August, ee dhammaan ka dhacaya Gobollada kala duwan ee Puntland.Image may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and beardImage may contain: 6 people, people sitting, table, living room and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close