Wararka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo tacsi u diray eheladii dadkii shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay degmada bardaale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabcasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay degmada Bardaale oo uu ku geeriyooday Alla ha u naxariiste Kabtan Falar Liibaan Nuurow oo ka mid ahaa Golaha Deegaanka Degmada Berdaale sidoo kale ahaa Sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diyaray eheladii iyo qarabadii dadkii shalay ku geeriyooday qaraxaas waxaa uuna bulshada ku dhaqan gobolka Baay ugu baaqay in ay ka foojignaadaan weerarrada iyo qaraxyada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in ay waxbadan isbadali doonaan oo ku saabsan dhanka amniga oo ay ku dadaali doonaan bad qabka muwaadiniinta reer Koonfur Galbeed.

‘’Waxaan balanqaadayaa in wax badan laga qaban doono dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed ayuu hadalkiisa sii raaciyay’’ madaxweyne Cabdicasiis.

Ugu danbayn madaxweynaha ayaa shacabka ku nool deganada Koonfur Galbeed ka codsaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada amniga oo ay iskaashadaan xogtana lawadaagan laamaha amniga dowlad goboleedka koonfur galbeed.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close