Wararka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la dar-daarmay Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Munaasabadan kooban ee lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa ahayd mid lagu Dhaarinayey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabduqaadir Shekh Maxamed Nuur (Siidi) oo Shalay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen Umagacaabay Xilka Gudoomiyenimo ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Munaasabada oo lagu qabtay Xafiiska Madaxweynaha Waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Cali Saciid Fiqi Gudoomiyaha Maxkamada Sare Koonfur Galbeed Axmed Cali Muuse iyo Gudoomiyaha la dhaarinayey Munaasabada ayaa Ugu Horeyn Gudoomiyaha Maxkamada Sare Axmed Cali Muusa ku dhaariyey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo khudbad Dardaaran ah ka jeediyey Munaasabada Dhaarinta ayaa Tilmaamay Howlaha Horyaala Gudoomiyaha iyo Dadaalada Dowlada ay ku bixisay Dib Uxureynta Gobolka Hirgelinta Mashaariic Hormarineed iyo Baahinta adeegyada Dowlada Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sidoo kale Xusay in kan Dowlad ahaan ay taageri Doonan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeelaha Hoose.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, standing and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, living room and indoorImage may contain: 1 person, sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close