Wararka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGs oo Kormeerey Garoonka Kubada Cagta Degmada Waajid .

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi-Asiis Xassan Maxamed Lafta-green oo kusugan degmada Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa maanta kormeer ku gatay Garoonka Kubada Cagta Degmada Waajid.
Madaxweynaha oo waqti la qaatay cayaartoyda degmada Waajid ee gobolka bakool ayaa sheegay in Asbuucaan gudahiisa dib u dhis lagu samayn doona garoonka kubadda cagta ee Waajid waxaa uuna dhalinyarada kula dar daarmay in ay sare u qaadaan xirfadooda cayaartoynimo maadaamaa sida uu sheegay ay dhawaan furmi doonaan cayaaraha degmooyinka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Cabdi-Asiii Lafta-gareen ayaa sidoo kale waxaa uu booqasho ku tagay Suuqa Ganacsiga Degmada Waajid halkaas oo uu kula kulmay ganacsatada ku howlaneed noolal maal-meedkooda.