Wararka
MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA ALLE HA UNAXARIISTO GUDOOMIYAHII RUGTA GANACSIGA JUBBALAND SHAAFI RAABI KAAHIN.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin iyo shacabkii kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Waxaa Madaxweynahu uu Allah uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana dadka dhaawaca ah uu Caafimaad deg deg ah siiyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaafi Raabi Kaahin uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah isla markana lasoo qaybsaday duruufo adag isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay Dhabaha ay dadka reer Jubbaland iyo guud ahaan ummada soomaaliyeed ku doonayaan inay Nabad iyo xasilooni helaan aanay ka leexin doonin facilada ay gaystaan Al-shabaab.