Wararka
Madaxweynaha dalka Uganda oo daahfuray warshad soo saarta Mobile-da iyo Laptop- yada.
Madaxweynaha dalka Uganda ayaa maanta caasimada Kampala ka daahfuray warshad soo saari doonta Taleefoonada iyo laptop-yada iyo qalab kale oo electronic ah kuwaas oo wax soo saar iyo shaqa abuur u noqon doonta boqolaal dhalinyaro reer Uganda ah.
Warshada SIMI Factory ayaa noqonaysa warshadii ugu horaysay oo soo saarta Talefoona gudaha dalka Uganda waxana taleefoonada ay soo saarta warshadaan qaymahooda joogi doonaan UGX20,000 oo lacagta dalka Uganda.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri K Museveni ayaa sheegay in warshadaan ay horsed u tahay horumarka uu ku talaabsanaayo dalka Uganda isagoo xoosta ka xariiqay in ay ka go’antahay kor u qaadista tayada Teknoolijiyada dalkiisa.