Wararka

Madaxweynaha dalka oo xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Madaxweynaha dowlada  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir waxaa uuna xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo kasoo baxya xafiiska madaxtooyada Qaanka, Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close