Wararka

Madaxweynaha dalka oo Kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha hortabinta u leh.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo xubnaha labada Guddi ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku aaddan hawlaha qabsoomay muddadii labada sanno ahayd ee ay shaqaynayeen, kuwa qabyada ah iyo qorshayaasha uga dejisan dardargelinta geeddiga qabyatirka Dastuurka.

Madaxweynaha dowlada federalka Sooomaaliya Mohamed C/lahi Farmaajo oo kulanka shir guddoominayey ayaa sheegay in Dowladdu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka iyada oo xoogga la saarayo xasiloonida iyo wadashaqaynta siyaasadeed ee ka dhexaysa laammaha dowladda.

“Waxaan aaminsanahay inaad geeddiga soo gaarsiiseen meel fiican oo la dhammaystiri karo. Waxa arrintan qayb ka qaatay xasiloonida siyaasadeed ee aan haysanno oo aan aaminsanahay haddii aysan jiri lahayn inay hawsha aad haysaan intan ka sii adkaan lahayn. Waxa loo baahan yahay in xasiloonidaas la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Shirka waxa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close