Wararka

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobe ee cunaqabateynta Hubka.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan amniga deegaannada Dowladdu ay gacanta ku haysto, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka ay dowlada kula Jirta Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalka, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku nuux-nuuxsaday dadaallada ay Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dagaalanka Alshabaab iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha dowlada federaalka ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.Image may contain: 2 people, people sitting, living room, table and indoorImage may contain: 6 people, people sitting, suit and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, suit and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close