Wararka
Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in si deg deg leh lagu joojiyo dagaalka kasocda deegaanka Ceel-Afwen.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mohamed C/Laahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag kaas oo u dhaceeyo dad walaala ah oo wada dega deegaankaas.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxaa waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dagaalada ka dhacay deegaanka Ceel-Afwen , waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.
“Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”.
Madaxweyanaha dowla federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn ee xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya ku booriyay in ay joojiyaan dagaalka sidoo kalena waxaa uu xasuusiyay in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.
Dagaalkaan ka dhacay deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ku dhintay Ugu yaraan sagaal qof toban kalena way ku dhaawacmeen waxaana jira dadaalo lagu doonaayo in lagu joojiyo dagaalkaan ka dhexeeyo laba beel oo walaalo ah.