Wararka
Madaxweynaha dalka oo Japan ugu qayb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo lagu qabanaayo magaalada Yokohama ee dalkaasi Japan.
Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Cabdulfataax Alsiisi iyo Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika.
Inta uu kulankaan socda ayaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika.
Waxaa kulanka madaxweynaha ku wehlinaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Balal Cismaan.