Wararka
Madaxweynaha dalka oo hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti oo markii 5aad guul ka garay Doorashada dalkaasi ka dhacday.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi, isagoo helay 96.77% codadka dadweynaha.
Geelle Wuxuu ka guuleystay musharaxa madaxa banaan ee Sakariye Ismaaciil.
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle guusha uu ka gaaray doorashadii shalay ka dhacday dalkaas. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Madaxda iyo shacabka Jabuuti horumar iyo barwaaqo.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle oo dib loo doortay. Waa guul xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka. Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka”. ayuu qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter ka ku yiri Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.