Wararka
Madaxweynaha dalka oo Hambalyo u diray Hoggaanka Cusub ee Hirshabelle.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxwenaha iyo ku xigeenka cusub ee loo doortay maamulka Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle.
“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo, caddaalad iyo horumar loo dhanyahay.” ayuu yiri Madaxweyne farmaajo.