Wararka

Madaxweynaha dalka oo Hambalyo u diray Dhamaan Shaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda waxaa uuna ugu mahadceliyay sida muuqata ee ay maskax iyo muruqa u galiyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinaynaa maskax iyo muruqa ay geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Maalin walbo maanta oo kale marka ay tahya 1-da bisha May ayaa caalamka looga dabaal dagaa munasabada weyneynta shaqaalaha iyagoo la guddoonsiiya haddiyada iyo awaal marino balse xanuunka coronaviruska aawadiis sanadkaan taasi ma suurta galin. Madaxweynaha dalka ayaana shaqaalaha ugu garaabay arrinkaas.

“Waxay maanta oo kale mudnaayeen u qabasho dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin abaalmarino. Hase yeeshee, saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi” ayuu sii raaciyay hadalkiisa madaxweynaha.

Shaqaalaha Soomaaliya ayaa ku shaqeeyo daruufa adag waloow ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka gudbay caqabado badan, isla markaana xaqiijiyay rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay xoogta saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

“Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqaynba, waxaana aan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale hoosta ka Xariiqay in ay mushaarkooda siiyaan shaqaalaha dowlada taas oo uu ku micneeyay in ay ugu golleeyihiin yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalka.

“Waxaan xaqiijinay inaan shaqaalaha dawladda xuquuqdooda mushahar siino, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa. Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah” ayuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa Madaxweynaha.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close